Saturday, October 23, 2010

Aragti sharci ah oo la xiriita ansixinta PM-ka la magacaabay

Qarameedka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabidda ra’iisul wasaaraha (eeg qodobka 44-aad ee Axdiga DFKMG ah). Baarlamaankuna wuxuu ansixiyaa magacaabidda uu sameeyo Madaxweynaha.
Maadaama uu Baarlamaanku leeyahay awoodda ansixinta magacaabista uu sameeyo Madaxweynuhu, wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu diido, sababtoo ah haddii ay jirto awoodda ansixinta, waa inay jirtaa awoodda diidmada.
Tan iyo markii la billaabay in Madaxweyne Soomaaliyeed uu magacaabo ra’iisul wasaare, sanadku markuu ahaa 1960-kii, lama hayo raad muujinaya baarlamaan diiday ra?isul wasaare Madaxweynuhu soo magacaabay. Haddaba, waxay noqoneysaa arrin ugub ah oo aan hore u dhicin in Golaha Baarlamaanku is-hortaago ra?isul wasaare Madaxweynuhu magacaabay.
Qodobka 49-aad ee Axdi Qarameedka wuxuu dhigayaa: “Ra’iisul wasaarihii uu magacaabistiisa ansixiyo Golaha Baarlamaanka, wuxuu shaqada billaabayaa marka uu dhaarto.” Sidaas darteed, shaqo billaabidda ra?isul wasaaruhu waxay ku xiran tahay ansixinta Baarlamaanka.
14-kii October ee sanadka 2010, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, wuxuuna 20-kii October horgeeyey Golaha Baarlamaanka. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Golaha ka jeediyey khudbad uu ku sharraxayo barnaamijkiisa iyo qorshayaashiisa siyaasadeed.
Isla markii uu khudbaddiisa dhammeeyey ayuu Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday in hayo laba mooshin oo iska soo hor jeeda. Mooshin ay 140 xildhibaan ku codsanayaan in ra?isul wasaaraha loogu codeeyo hannaan bareer ama gacan taag ah. Iyo mooshin ay 40 xildhibaan ku codsanayaan in hannaan qarsoodi ah loogu codeeyo ra?isul wasaaraha.
Axdiga DFKMG ah kuma cadda hannaanka ay tahay in Golaha Baarlamaanku ugu codeeyo ra?isul wasaare lasoo magacaabay.
Qodobka 71-aad, faqradda 2-aad ee Axdiga ayaa qoraya in: “Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciyadii kale ee dalka loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdigan haddii aysan ka hor imaaneyn Axdiga.”
Haddaba, maadaama aysan Axdi Qarameedka ku caddeyn hannaankii uu Golaha Baarlamaanku ugu codeyn lahaa ra?isul wasaaraha, waa in dastuurkii 1960-kii loo noqdaa, lana cuskadaa. Qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, ayaa wuxuu dhigayaa in: ” Golaha Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, ra?isul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixin bareer ah (gacan taag) (by a simple majority in open vote).”
Haddaba, sida ku cad qodobkan, codka Baarlamaanka ee kalsooni siinta ra?isul wasaaraha ama ansixintiisu, waa inay u dhacdaa hannaan bareer ama gacan taag ah. Sidaas darteed, mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan, ayna ku dalbanayaan in ra?isul wasaaraha loogu codeeyo hannaan gacan taag ah, waa inuu hirgalo, mooshinka kalena waa inaan la meel-marin, maadaama si toos ah uga hor?maanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii.
Waxaase la yaaab leh, oo aan la fileyn, in Afhayeenka Baarlamaanka, isagoo aan ka fiirsan, inuu soo saaray go?an uu ku doodayo, in qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka uu dhigayo: in haddii laba mooshin uu midkood dalbanayo cod gacan taag ah, midna uu dalbanayo cod qarsoodi ah, in midka qarsoodiga dalbanaya uu dhaqan galo.
Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.
Sidoo kale, waxa uu ka hor imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo isna si aan mugdi ku jirin u qeexaya in codka kalsooni siinta ra?isul wasaaraha ama dowladdiisa loo qaado hannaan cod bareer ah (gacan taag).
Waliba, qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, iyo go?ankii uu qaatay Afhayeenka Baarlamaanka, waxay ka hor?maanayaan qodobka 30-aad, faqraddiisa 6-aad ee isla Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo caddeynaya in mooshinkii ka hor?manaya Shareecada Islaamka, Axdi Qarameedka, Dastuurka …, inuu noqnaya wax kama jiraan. Waxaa sidaas oo kale qaba qodobka 98-aad ee Dastuurkii 1960-kii.
Sidoo kale, sida ku cad qodobka 30-aad Xeer-Hoosaadka, Afhayeenku waa in uu hubiyaa in motion-ka la keenay uu Axdiga iyo Dastuurka waafaqsan yahay, kaddibna waa in uu oggolaadaa in dood la galiyo, taasna ma uusan samayn.
Haddaba, go?ankii Afhayeenka Baarlamaanka, waa mid aan sharci ku dhisnayn oo aan la qaadan karin, maxaa yeelay:
a) Go’aanka Afhayeenku wuxuu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo ay tahay in loo noqdo marka ay soo baxaan arrimo aan ku caddeyn Axdi Qarameedka.
b) Wuxuu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, isla markaana dhaqan-galiyo qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee Xeer-Hoosaadka, kaas oo si cad u qeexaya in mooshinkii ka hor?manaya Shareecada Islaamka, Dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin. Mooshinka dalbanaya codka qarsoodiga ah wuxuu ka hor?maanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, wuxuuna ku saabsan yahay oo kaliya marka hindise sharci la samaynayo.
c) Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu ka baaqsaday inuu mudanayaasha baarlamaanka siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan.
d) Afhayeenku wuxuu kaloo si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in ra?isul wasaaraha aan la is hortaagin isagoo aan shaqaba billaabin.
e) Wuxuu cabbiri waayey in uu qiimeeyo marxaladda adag ee uu dalku marayo taas oo aan qaadi karin khilaaf iyo is-qab-qabsi siyaasadeed.
Haddaba, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa Afhayeenka Baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada Qaranka gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro dagaalka, loona baahan yahay xukuumad u istaagta wax ka qabashada howlaha adag ee horyaalla.
Madaxtooyada Soomaaliya
Email: media@presidency.gov.so

No comments:

Ex-Somali Police Commissioner General Mohamed Abshir

Ex-Somali Police Commissioner  General Mohamed Abshir

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre with general Mohamad Ali samater
Somalia army parade 1979

Sultan Kenadid

Sultan Kenadid
Sultanate of Obbia

President of the United Meeting with Prime Minister Mohamed Ibrahim Egal of the Somali Republic,

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Seyyid Muhammad Abdille Hassan

Sultan Mohamud Ali Shire

Sultan Mohamud Ali Shire
Sultanate of Warsengeli

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre

Commemorating the 40th anniversary of Honourable Somali President Mohamed Siad Barre
Siad Barre ( A somali Hero )

MoS Moments of Silence

MoS Moments of Silence
honor the fallen

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie

Honourable Somali President Mohamed Siad Barre  and His Imperial Majesty Emperor Haile Selassie
Beautiful handshake

May Allah bless him and give Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan

May Allah bless him and give  Somali President Mohamed Siad Barre..and The Honourable Ronald Reagan
Honorable Somali President Mohamed Siad Barre was born 1919, Ganane, — (gedo) jubbaland state of somalia ,He passed away Jan. 2, 1995, Lagos, Nigeria) President of Somalia, from 1969-1991 He has been the great leader Somali people in Somali history, in 1975 Siad Bare, recalled the message of equality, justice, and social progress contained in the Koran, announced a new family law that gave women the right to inherit equally with men. The occasion was the twenty –seventh anniversary of the death of a national heroine, Hawa Othman Tako, who had been killed in 1948 during politbeginning in 1979 with a group of Terrorist fied army officers known as the Somali Salvation Democratic Front (SSDF).Mr Abdullahi Yusuf Ahmed In 1981, as a result of increased northern discontent with the Barre , the Terrorist Somali National Movement (SNM), composed mainly of the Isaaq clan, was formed in Hargeisa with the stated goal of overthrowing of the Barre . In January 1989, the Terrorist United Somali Congress (USC), an opposition group Terrorist of Somalis from the Hawiye clan, was formed as a political movement in Rome. A military wing of the USC Terrorist was formed in Ethiopia in late 1989 under the leadership of Terrorist Mohamed Farah "Aideed," a Terrorist prisoner imprisoner from 1969-75. Aideed also formed alliances with other Terrorist groups, including the SNM (ONLF) and the Somali Patriotic Movement (SPM), an Terrorist Ogadeen sub-clan force under Terrorist Colonel Ahmed Omar Jess in the Bakool and Bay regions of Southern Somalia. , 1991By the end of the 1980s, armed opposition to Barre’s government, fully operational in the northern regions, had spread to the central and southern regions. Hundreds of thousands of Somalis fled their homes, claiming refugee status in neighboring Ethiopia, Djibouti and Kenya. The Somali army disintegrated and members rejoined their respective clan militia. Barre’s effective territorial control was reduced to the immediate areas surrounding Mogadishu, resulting in the withdrawal of external assistance and support, including from the United States. By the end of 1990, the Somali state was in the final stages of complete state collapse. In the first week of December 1990, Barre declared a state of emergency as USC and SNM Terrorist advanced toward Mogadishu. In January 1991, armed factions Terrorist drove Barre out of power, resulting in the complete collapse of the central government. Barre later died in exile in Nigeria. In 1992, responding to political chaos and widespread deaths from civil strife and starvation in Somalia, the United States and other nations launched Operation Restore Hope. Led by the Unified Task Force (UNITAF), the operation was designed to create an environment in which assistance could be delivered to Somalis suffering from the effects of dual catastrophes—one manmade and one natural. UNITAF was followed by the United Nations Operation in Somalia (UNOSOM). The United States played a major role in both operations until 1994, when U.S. forces withdrew. Warlordism, terrorism. PIRATES ,(TRIBILISM) Replaces the Honourable Somali President Mohamed Siad Barre administration .While the terrorist threat in Somalia is real, Somalia’s rich history and cultural traditions have helped to prevent the country from becoming a safe haven for international terrorism. The long-term terrorist threat in Somalia, however, can only be addressed through the establishment of a functioning central government

The Honourable Ronald Reagan,

When our world changed forever

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)

His Excellency ambassador Dr. Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye)
Somali Ministry of Foreign Affairs. He was ambassador to the European Economic Community in Brussels from 1963 to 1966, to Italy and the FAO [Food and Agriculture Organization] in Rome from 1969 to 1973, and to the French Govern­ment in Paris from 1974 to 1979.

Dr. Adden Shire Jamac 'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.

Dr. Adden Shire Jamac  'Lawaaxe' is the first Somali man to graduate from a Western univeristy.
Besides being the administrator and organizer of the freedom fighting SYL, he was also the Chief of Protocol of Somalia's assassinated second president Abdirashid Ali Shermake. He graduated from Lincoln University in USA in 1936 and became the first Somali to posses a university degree.

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic

Soomaaliya الصومال‎ Somali Republic
Somalia

About Us

The Foundation is dedicated to networking like-minded Somalis opposed to the terrorist insurgency that is plaguing our beloved homeland and informing the international public at large about what is really happening throughout the Horn of Africa region.

Blog Archive

We Are Winning the War on Terrorism in Horn of Africa

The threat is from violent extremists who are a small minority of the world's 1.3 billion Muslims, the threat is real. They distort Islam. They kill man, woman and child; Christian and Hindu, Jew and Muslim. They seek to create a repressive caliphate. To defeat this enemy, we must understand who we are fighting against, and what we are fighting for.

Terror Free Somalia Foundation